Askari kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Kenya oo lagu dilay weerar qaanso iyo leeb

Nairobi (Raxanreeb Online) Askari Kenyan ah oo ka howlgalayay mid ka mid ah albaabada guriga rasmiga ah ee madaxweynaha Kenya, William Ruto ee caasimadda Nairobi ayaa dhintay ka dib markii lagu toogtay fallaar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliisku waxay sheegeen in subaxnimadii Isniinta, nin 56 jir ah, oo ku hubeysan qaanso iyo fallaar, uu u soo dhawaaday saraakiisha ku sugnaa albaabka Aqalka Madaxtooyada, waxaana lagu amray inuu is dhiibo. Taas bedelkeeda, wuu soo dhaqaaqay oo fallaartii wuxuu ku dhuftay PC Ramadhan Matanka oo uu kaga dhuftay dhinaca feeraha.

Askariga booliiska ah ayaa isla markiiba loo qaaday isbitaal, laakiin wuxuu dhintay xilli la dabiibayay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay booliiska.

Weerarku wuxuu abuuray su’aalo ku saabsan suurtagalnimada dayac dhanka ammaanka maadaama Aqalka Madaxtooyadu uu yahay mid ka mid ah goobaha ugu ammaanka badan ee Kenya.

meydka PC Matanka waxaa hadda lagu hayaa goobaha meydadka lagu keydiyo.

Sidoo kale waxaa socda baaritaan ku aaddan sababta ka dambeysay weerarka.. Warbaahinta maxalliga ah waxay ku warramayaan in askarigii dhintay uu ka mid ahaa kuwa baadhayay gaadiidka gelaya Aqalka Madaxtooyada.

Ninka weerarka lagu eedeeyay, oo la sheegay inuu isku ekaysiiyay qof derbi jiif ah isla markaana sitay boorso uu hubka ku qarsaday, ayaa la xiray ka dib weerarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.