Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Guudoole oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 4 ruux, halka ay dhaawacyaduna ay yihiin 9 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo maleeshiyaadkii dagaalamayay.
Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka, ayaa ku baaqay in lagu soo baxo daminta colaaddan oo sameeyn taban ku reebtay deegaanka, maadama ay dilalka aanooyinka qabiil iyo dagaalada maleeshiyaadka ay kordhiyeen.
Maamulka Galmudug, ayaa bilaabay dedaalo lagu joojinayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee muddooyinkii dambe ku soo kordhay deegaanada maamul goboleedka Galmudug.

Leave a Reply