Trump oo tallaabo milatari ugu hanjabay dal Afrikaan ah…

New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inuu qaadayo tallaabo milatari haddii dalkan ku yaalla Afrika uusan samayn waxyaabaha uu u soo jeediyey.

Trump ayaa sheegay in uu ku amray Pentagon-ka in ay u diyaar garoobaan tallaabo suurtagal ah, isaga oo sheegay in ay noqon doonto ‘mid deg deg ah’ ba’an oo samayn leh’, isagoo dalkan ku tilmaamay ‘ dal ceeb leh’.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhaqso ah u joojin doonto dhammaan caawimada iyo taageerada la siiyo Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika iyo soo saaraha ugu weyn ee saliida.

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Trump in tallabooyinka milatari uu qaadayo haddii dowladda Nigeria aysan wax ka qaban si ay u ilaaliso dadka Masiixiyiinta ah weerarada kaga imaanaya Islaamiyiinta xagjirka ah.

Haddii Maraykanku u diro ciidan militari ,waxay noqonaysaan in ‘Qorigu si ba’an u ololiyo si gebi ahaanba looga ciribtiro argagixisada Islaamiga ah ee fulinaysa xadgudubyadan naxdinta leh,” ayuu Trump ku qoray, isagoo aan bixin wax caddeyn ah oo ku saabsan sida Masiixiyiinta Nigeria loola dhaqmo.

Inkastoo Waaxda Difaaca ee Mareykanka iyo Aqalka Cad ay ay Reuters u dirtay si uga hadlana hanjabaadda Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa soo saaray qoraal uu ku daabacay baratiisa Bulshada.

Nigeria ayaa horey u diiday sheegashada ah in dadka Masiixiyiinta ah lagu laayo sabab la’aan gobolka waqooyi ee ay ku badan yihiin Muslimiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.