Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in sannadkii ugu dambeeyay dagaalkii lala galay Al-shabaab iyo Daacish, lagu dilay 800 dagaalame oo ay ku jiraan 50 horjogayaal ah.
Hadalkan ayuu wasiirka Gaashaandhigga ka sheegay kulanka golaha aqalka sare oo maanta su’aalo lagu weydiinayay.
Wasiir Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay hadda bilaabeyso abaabul cusub oo lagu ciribtirayo Al-shabaab, waxa uuna carabka ku dhuftay in diirada la saari doono deegaanadii ay dhowaan la waregeen Al-shabaab iyo kuwii ay horay ugu sugnayeen.
Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in bilihii ugu dambeeyey ay dowladda ku howlaneyd dib u habeynta tababarka ciidanka xoogga.
Wasiir Fiqi, oo sii hadlayay ayaa sheegay in lasoo jeediyay in miisaaniyada lagu daro 10,000 oo askari, si loo buuxiyo Boosaaskii ay ka tageen askartii dhimatay, kuwa dhaawacmay ama naafoobay iyo kuwa goostay.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay caqabadaha heysta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa uuna tibaaxay in ka in aysan heysan warshad dharka, hubka, iyo rasaasta u sameeysa.

Leave a Reply