Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kuwaas oo dalka u yimid sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale horumarinta maalgashiga gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, tamarta, beeraha iyo xoolaha.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartey in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, loona ballaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Leave a Reply