Madaale oo ka horyimid magacaabista Muungaab ee muharaxa xisbiga JSP ee Duqa Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa si kulul uga horyimid magacaabista duqa Muqdisho oo shalay xisbiga wadajir iyo cadaaladda ugu magacaabay musharaxa xilka guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho doorashada golaha deegaanka.

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay Yuusuf Madaale, ayaa sheegay in ku dhawaaqista musharaxnimada Muungaab ay aheyd mid sharci darro ah oo aan lagu sameeyn hannaan doorasho oo gudaha xibsiga uusan ku imaanin. Waxa uu tilmaamay in tallabadaani ay jibineyso nidaamka xeer hoosaadka xisbiga JSP.

“Waxaa nasiib darro ah in Xoghaye ku-xigeenka xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, uu meel olole ka socda uga dhawaaqo musharaxa xisbiga ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la raacin xeerarkii doorashada gudaha xisbiga, Magacii Caddaaladda iyo Wadajirka ee aan ku faanay, meel kale ayaa la dhigay,” ayuu yiri Madaale.

Guddoomiye Madaale ayaa carabka ku dhuftay in arrintaani ay abuuri karto khilaaf ka dhex biloowda xisbiga.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay keeni karto khilaaf ballaaran oo gudaha xisbiga ah, isla markaana ay dhaawici karto midnimada iyo kalsoonida xubnaha JSP. 

Madaale ayaa ugu baaqay hoggaanka xisbiga in si degdeg ah loo qabto kulan lagu xallinayo arrintan, si looga fogaado kala qeybsanaan siyaasadeed.

Sikastaba ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay hoggaanka sare ee xisbiga JSP oo ku saabsan khilaafka dhex qarxay xisbiga, kaasi oo hadda banaanka u soo baxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.