Ciidanka NISA oo sheegay in ay dileen horjooge katirsnaa kooxda AS

Shabellaha Hoose (Raxanreeb Online) Ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre ee gobolka Shabeellaha Hoose, Halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo falalka amni darro ee Shabaab ka fulin jireen gobolkaas.

Horjoogaha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Xasan Siidoow Xuseen, ayaa ahaa maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose, horjoogayaha la dilay ay door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagista weerarada kooxda ee halkaas ka dhici jiray.

Qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in muddo dheer ku raad joogeen horjoogahan, iyada oo ugu dambeyn xalay ay dileen horjooge Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kuwaas oo la socday xilligii hawlgalku dhacayey.

Sikastaba Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa kordhiyay muddooyinkii dambe howlgallada ay ku beegsanayaan xubnaha ugu sareeya kooxda Al-shabaab. 

Leave a Reply

Your email address will not be published.