Dabley hubeysan oo ganacsade Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo burcad arxandaran , oo xalay deegaanka Philipi ee hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika , ku dilay Qaasim Cabdi Xasan oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in kooxaha hubeysan ay ganacsadaha ku dileen goobtiisa ganacsi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiyay geerida ganacsadaha Soomaaliyeed ee xalay lagu dilay goobtiisa ganacsi.

Dilalka magaalada Cape Town iyo magaalooyin kale oo katirsan dalka Koonfur Afrika loogu geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa kordhay, mana jiraan cid wax ka qabaneysa dilalkaasi iyo beegsiga lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.