Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay deegaano ku yaalla gobolka Galgaduud

Galgaduud ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 242, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka ayey ciidanka ku burburiyeen goobo iyo gabaadyo ay kooxdu ku laheyd inta u dhaxeeysa Cali Yabaal iyo Isgooyska Geerile.

Taliyaha Ururka 242 ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Bashiir Qorane, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka u ahaa mid qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale taliyaha, ayaa carabka ku dhuftay in howlgalka uu u dhacay sidii la qorsheeyay, isla markaana la fashiliyay weeraro ay maleeshiyaadka qorsheeynayeen.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkan wuxuu ahaa mid qorsheysan oo muhiim ah kaasi oo laga fuliyay deegaano istaraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo ku teedsan wadada muhiimka ah ee isku xirta Cali Yabaal iyo Isgoyska Geeriile” ayuu yiri Taliyaha Ururka 242 ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Bashiir.

Ciidanka xoogga ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee looga saarayo deegaannada ay gobollada dalka kaga sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.