Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulmay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed bin Maxamed Al-Muwalled.
Kulanka oo looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, ayaa labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Leave a Reply