Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Puntland ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu mamnuucayo in gudaha Puntland soo galo Naasir Cigge.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii lagu eedeeyey in xilligii uu safka hore uga muuqday wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamse uu hadallo gaf iyo ceebayn ku sheegay Ciidamada Difaaca Puntland ee saldhiggoodu yahay Calmiskaad, kuwaas oo uu si toos ah ugu tilmaamay erayo aan habboonayn Dagaalka kooxda Daac1shna ku tilmaamay Xayaysiis iyo Olole Siyaasadeed.
Sidoo kale, Naasir Cigge ayaa lagu xusuustaa hadallo uu hore ugu sheegay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), isagoo ku eedeeyey inuu “la shaqeeyo Al-Shabaab,” taas oo keentay dhaleeceyn siyaasadeed oo baahsan.
Wararka hadda la helayo ayaa xaqiijinaya in Naasir Cigge uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana uu qorsheynayay inuu u safro magaalada Garoowe, balse maamulka amniga Puntland ayaa si cad uga horyimid safarkiisa.

Leave a Reply