Tirada dhimashada duqeyntii tuulada Jambaluul oo korortay

Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Waxaa sii kordhaya tirade dhimashada duqayntii habeen ka hor ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen tuulada Jambalul ee gobolka Shabeelaha Hoose, taasi oo khasaare aad u culus, u geystay shacab danta-yar ah oo ku noolaa deegaankaasl

Wararka ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay hadda gaartay 15 qof, halka in ka badan 40 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo ku mashquulsanaa nolol maalmeedkooda.

Dhaawacyada badankooda waxaa la keenay isbitaalada magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Madiina, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladahooda caafimaad.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah yiraah Ruqiyo Ahmed oo sawirkeeda aad arkaysaan, taas oo labadii waalid (hooyadeed iyo aabaheyd) ku wayday duqayntii ka dhacday Jambaluul.

Tuulada Jambaluul waxa ay ka mid tahay tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa inta badan lagu tiriyaa deegaanada ay Al-shabaab muddooyinkii dambe ay ku sugnayeen.

Weerarka duqeynta ah waxaa fuliyay ciidanka NISA, oo garab ka heleya saaxiibada caalamiga, waxaana war kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga lagu sheegay in duqeynta lagu beegsatay goobo ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.