Qodobada culus ee laisku hayo shirka Mucaaradka ee Kismaayo (Akhriso)

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maalintii saddexaad waxaa magaalada Kismaayo, ka soconaya shir u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwasi oo ku midoobay golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Kulamadii ugu horeeyey ee xubnahan yeshaan waxa ay intooda badan ku lafa-gureen xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashooyinka Qof iyo Cod oo ay dowladda federaalka hirgalineyso.

Wararka anu ka helnay ilo ku dhow shirka, ayaa inoo sheegay  in xubnaha ay isku mari la’yihiin cida hoggaanka u noqonayo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Iyada oo sida ay wararka sheegayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu doonayo in Sheekh Shariif madaxweynihii hore ee dalka, la dhigo hoggaamiyaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xoghayaha golaha la dhigo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Tallabadaasi ayaa la sheegay in ay gashaanka u duurireen Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah xubnaha mucaaradka ugu tunka weyn.

Waxaa la filaya in saacadaha soo socda lasoo gabe-gabeeyo shirka mucaaradka Kismaayo, isla markaana ay war-murtiyeed ay soo saraan.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.