Xudur ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool kan Degmada Xudur, Saraakiil Amni, Odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeeddada safarka ayaa salka ku haysa kormeerka guud ee xaaladda amniga, adeegyada bulshada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada iyo guud ahaan gobolka.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Degmada Xudur inuu la kulmo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, islamarkaana uu dhagaysanayo talooyin iyo baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka, si loo sii xoojiyo nabadda, horumarka iyo wada shaqeynta dowladda iyo shacabka.

Leave a Reply