Kambala ( Raxanreeb Online) Wiilka uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, ayaa sheegay in ciidanka iyo xoogagga gaarka ah ay qafaasheen labadiisa waalid oo geeyeen meel aan la garanayn.
Goor sii horaysay, Bobi Wine wuxuu sheegay in lagu hayay xayiraad guri ka dib markii uu ka cabanayay khiyaano ka dhacday doorashadii madaxweynaha ee Khamiista.
Dowladdu kama aysan bixin wax faallo ah, iyada oo ay jirto xannibaada internet-ka oo guud, taasi oo ay ka dhigay mid adag in la helo faahfaahino dheeri ah.
Iyadoo ku dhowaad dhammaan codadkii la tiriyay, wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Museveni uu si wanaagsan ugu horeeyo nitiijooyinka soo baxaya, iyada oo markii toddobaad uu doonayo inuu dalkaasi hoggaamiyo

Leave a Reply