Garoowe ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga bixiyay iska horimaad khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo shir jaraa’id ku qabtay taliska booliska gobolka Nugaal, ayaa ka wabixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamo katirsan kuwa daraawiishta Puntland ay weerar ku soo qadeen saldhigga dhexe ee Garoowe, isla markaana iska horimaadkaas uu ku dhintay hal askari, halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen, waxa uuna xusay in khasaaraha uu yar yahay marka loo eego dagaalka dhacay.
Waxa uu tilmaamay in shaqaaqadan ay ka dhalatay dhaawac ka dhashay howlgal la doonayay in lagu soo qabto askar eedeeysanayaal ah oo katirsan ciidanka Puntland, waxa uuna hoosta xariiqay guddoomiyaha in xaaladda deggan tahay, isla markaana baaritaano uu ku socdo askarta weerar soo qaaday.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ciidamo katirsan Puntland ay ku dagaalamaan magaalada Garoowe, iyada oo inta badan dagaaladaasi ay yihiin kuwa ka dhashay maandooriye iyo howlgal lagu doonayay in lagu soo qabto ciidamo dhibaato geystay.

Leave a Reply