Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo Soomaaliyaba.
Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.
“Ma jirto cid ka hadlaysa in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar ay ku maqan tahay Minnesota, inteeda bandanna ay ku maqan tahay soomaalida. Way qaateen, bal qiyaas? Waa dad ay garashsadoodu yar tahay. Dadka kale way shaqaystaan lacag ayeyna helaan, ka dibna Mercedes benz ayey gataan haalkan ayeyna ka yimaadeen. Iyagu lacagna ma haystaan, marnaba lacag ma aysan yeelan, nolol ma yeelan, marnaba xukuumad ma yeelan, dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro”ayuu yiri Trump.
Sidoo kale Trump oo sii hadlayay ayaa yiri: “Soomaaliya xataa dal ma aha, soomaaliya ma laha wax xataa astaamihii dal lagu yaqanay u eg, waxaa loo arkaa halka ugu liidata dundia. Halkan ayey imaanayaan wayna taajirayaan, wax shaqo ahna ma hayaan”.
Geesta kale waxaa uu aflagaadeeyay xildhibanad Ilhaan Cumar, isaga oo ku tilmaamay turufatoore, isla markaana aysan suuragal ahayen iyada oo ah xubin katirsan kongoreeska oo aan shaqeynin in ay heysto lacag dhan 30 milyan.
Sikastaba ha ahaate, ma ahan markii ugu horeeysay Trump u weeraro Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.

Leave a Reply