Muxuu Madaxweyne Cirro kala hadlay madaxweynaha Israa’iil ?

Davos ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada Davos ee dalka Switzerland, kula kulmay madaxweynaha dowladda Israa’iil, Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.

Kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid muhiim ah oo labada dhinac ay kawada hadleen arrimo kala duwan.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid ku dhacay jawi ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo dano-wadaag, isla markaana labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen danaha lama huraanka ah ee ay labada dhinac wadaagaan, gaar ahaan xoojinta xiriirka dawladnimo, horumarinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Difaaca, Teknoolajiyadda, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka, Tamarta iyo Macdanta, horumarinta iskaashiga bulshada, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Cirro, ayaa Israa’iil si qoto dheer uga mahad naqay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland 26.12.2025-kii, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah, taasoo 34 sano ka bacdi  dhacday.

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu Madaxweynaha dowladda Israa’iil u caddeeyey in Somaliland ay tahay saaxiib dhab ah oo la isku hallayn karo, dadkiisuna aanay weligood illaawin cid kasta oo abaal u gasha. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay tahay dal nabad-jecel, mas’uul ah, kuna suntan xasillooni, dimuqraadiyad, Dawlad wanaag iyo ku dhaqanka Sharciga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sikastaba,madaxweyne Cirro ayaa wada dadaalo ku aadan sidii uu Madaxda kale ee Caalamka ee Shirka Davos uga dhaadhicin lahaa in ay aqoonsadaan Maamulkiisa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.



Leave a Reply

Your email address will not be published.