Nigeeriya ( Raxanreeb Online) Dhowr iyo toban qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay laba tuulo oo ku yaalla gobolka Kwara ee dalka Nigeeriya.
Weeraryahannadu waxay sidoo kale gubeen dukaamo iyo guryo, taasoo ku qasabtay dadka deggan tuulooyinka Woro iyo Nuku inay ka qaxaan guryahooda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaannadaasi.
Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gobolka Kwara uu salka ku hayo xagjirnimo, balse uusan ahayn fal dambiyeed caadi ah, iyadoo ciidamo militari ah loo diray gobolka Kwara si loo xakameeyo xaaladda.
Guddoomiyaha gobolka, Cabdul Raxman CabdulRazaq, oo xalay booqday tuulooyinka Woro iyo Nuku ee uu saameeyay weerarku, isaga oo ay weheliyaan hoggaamiyeyaal kale, ayaa sheegay in 75 qof oo dhammaantoodn Muslimiin, la dilay.
Sarkaal ka tirsan Laanqayrta Cas ee Kwara, Babaomo Ayodeji, ayaa AFP u sheegay in “warbixinadu muujinayaan in tirada dhimashadu ay gaartay 162, iyadoo weli socda hawlgallo lagu soo saarayo meydad kale.”
Dhanka kale, Amnesty International ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in in ka badan 170 qof ay dhinteen, iyadoo xustay in qaar la toogtay halka kuwo kalena iyagoo nool la gubay.
Isaga oo la hadlayay warfidiyeenka, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weerarka uu ka dhashay diidmada gobolka ee ku aaddan raacitaanka qiyamka Islaamka.
Wuxuu intaas ku daray in dadka deggan tuulooyinkaasi ay diideen inay raacaan mabaadi’ iyo waxbarashooyin diimeed ee kala duwan, taasina ay sababtay in la weeraro lana dilo. “Arrintani way ka duwan tahay wixii aan horey u aragnay, sida afduubka iyo dalabka madax-furashada.”
Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, uu oggolaaday in ciidanka loo diro aagga si loo sugo amniga.
Dalka Nigeeriya, ayaa inta badan lagu tiriyaa dalalka inta badan ay ka dhacaan weerar inta badan geysta khasaarooyin culus oo ay geystaan kooxaha ka dagaalama dalkaasi.

Leave a Reply