Weerar diyaarado drons loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Ciraaq

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqeysay Salaasadii shalay xarun diblomaasiyadeed oo Maraykan ah oo ku taalla magaalada Baqdaad, iyadoo aan geysan wax dhaawac ah, waxaana la rumeysan yahay in uu ahaa weerar ay fuliyeen maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo ku sugan dalka Ciraaq.

Diyaaradan oo aan duuliye lahayn ayaa ku dhufatay Xarun ku taalla Baqdaad oo dheggan tahay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad.

Sida laga soo xigtay Washington Post, wadar ahaan lix diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo riday xarunta.

Waxa ay sheegtay in weerarkan ay u badan tahay in ay fuliyeen maleeshiyaad ku hoos shaqeeya dalladda kooxda la yidhaahd IRI, oo ah isbahaysi ay leeyihiin kooxo hubaysan oo ay taageerto Iraan kuwaas oo kor u qaaday weeraradooda tan iyo markii ay Maraykanka iyo Israa’iil bilaabeen dagaalka ka dhanka ah Iran.

Waqooyiga Ciraaq, ugu yaraan saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qabtay duleedka magaalada Erbil ee gobolka Kurdistan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saldhig milatari oo Maraykanku leeyahay ayaa ku yaal meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Erbil, waxaana magaalada ay ahayd bartilmaameedka ugu muhiimsan ee weerarada aargoosiga ah ee Iran iyo maleeshiyaadka taageersan Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.