Baydhabo ( Raxanreeb Online) Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa maamulka degmada iyo saraakiisha hay’adaha amniga, si loo adkeeyo sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
Sidoo kale, labada taliye ayaa magaalada Baydhabo kulan xog-is-weydaarsi kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan warbaahinta madaxa bannaan iyo kuwa maxalliga ah ee Koonfur Galbeed. Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay doorka warbaahinta ee wacyigelinta bulshada iyo muhiimadda ay leedahay in warbaahinta iyo hay’adaha amniga ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow.
Ugu dambeyn, labada taliye ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada maamulka, warbaahinta iyo hay’adaha amniga in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida.

Leave a Reply