Trump oo sheegay in la qaadi doono tallaabo Iiraan muddo sugeysay

Trump oo sheegay in la qaadi doono tallaabo Iiraan muddo sugeysay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la hadlay wariyeyaasha isagoo ku sii jeeda magaalada Phoenix, oo uu uga qaybgalayo munaasabad halkaa ka dhacaysa, wuxuu sheegay in wada-hadallada kala dhaxeeya Iiraan ay socdaan isla markaana ay sii socon doonaan ilaa dhammaadka toddobaadkan. Wuxuu xusay in horumarro wanaagsan la sameynayo, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira Lubnaan.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale aan wax weyn ka soo qaadin hadallo ka yimid saraakiil Iiraaniyiin ah oo sheegayay in weli ay jiraan kala aragti duwanaansho weyn oo u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Wuxuu sheegay in xitaa haddii ay jiraan kala duwanaansho noocaas ah, la xallin karo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in farqigaasi uu yahay mid aad u weyn ama aasaasi ah.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateynta uu Maraykanku saaray la qaadi doono isla marka heshiiska la saxiixo

Leave a Reply

Your email address will not be published.