Madaxweyne Xasan oo weerar afka ah ku qaaday mucaaradka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta boqolal qof oo shacab ah iyo masuuliyiin katirsan dowladda, Salaad Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysa ee Muqdisho, ayaa dhaliil adag u jeediyay xubanah mucaaradka dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya maalinba maalinta ka dambeysa horumar ku talaabsaneyso, balse hoggaanka talinaya qaladaad iyo gaabisba ay ka dhici karaan, waxa uu xusay in ay muhiim tahay in la socdo oo culeesyada laga gudbo, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha.

“yaan la idin cabsi gelin, waa lakala tagaa iyo balaayo ayaa dhaceysa waa nasiib daro in uu dhaho siyaasi kaliya doonaya kursi” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in mar walbo lais xusuusiyo dhaqamada wanaagsan ee lagu xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddiga dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed uu marayo marxalad taariikhiga ah oo ay go’aankiisa garwadeen ka yihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, waxa uuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.