Maxkamadda ciidamada oo lasoo taagay labo nin oo Itoobiyaan oo katirsan kooxda AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Labo Nin oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaasi oo lala xiriirinayo in ay katirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sida lagu cadeeyey dacwada ay soo gudbiyeen xeer-ilaaliyaasha militeriga labada eedeysane ayaa lagu kala magacaaba Nasir Cabdiraxmaan Abuu Safiya iyo Hamza Ibraahim Ali Abuu Irshaad.

Waxaa la tilmaamay in ay ku dhasheen magaalada Harar ee Itoobiya, isla markaana ay siifacan uga hadleen luuqada Afka Soomaaliga.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howlgal laga sameeyey magaalada Baydhabo, lagu soo qabtay labadan eedeysane.

Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in eedeymaha loo heysto ay ka qeyb ka tahay in ay ka barar dagaalameen Al-shabaab, tababaro, qorshooyinkale iyo soo gelinta sharci darrada ah ee Soomaaliya, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo ciqaab ku haboon oo ah eedeymaha loo heysto.

Dhinaca kale qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa sheegay in tuhunsanayaasha aysan gelin dambiyada lagu soo oogay, isla markaana maxkamadda ka codsadayaan in dib loogu celiyay labada nin dalkooda Itoobiya.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah ay soo saari doonto, markii ay soo dhammaadan barista iyo doodaha socda ee kiiskan la xiriira.

Leave a Reply

Your email address will not be published.