Wasaaradda Qoyska oo dalbatay in cadaalada la horkeeno raggii lagu eedeeyey xadgubka gabadha Soomaaliyeed

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay adag u cambaareyneysaa xad gudubka arxan darrada ah ee lagula kacay Sharafka iyo Cirdiga gabar Soomaaliyeed oo si weyn loogu xad gudbay Nolosheeda, welibo bulshada horteeda taasi oo si xad gudub ah loogu faafiyey baraha bulshada.

“Falkan wuxuushnimada ah waxa uu si cad uga hor imaanaya diinteena Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaalida, xuriyadda, sharafka iyo cirdiga muwaadinka , waxaana dhammaanteen waajib naga wada saaran yahay inaan ka dhiidhino falkaas bahalnimada ah ayadoo bulshadeena aan ka dhex saareyno kuwa xad gudubkaas weyn sameeyey” ayey si kulul u tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.

Sidoo kale Wasaaradda Qoyska, ayaa sheegtay in ay fareyso laamaha amniga iney sida ugu dhaqsiyaha badan usoo qabtaan arxan laaweyaasha kula kacay falkaasi bahalnimada ah Gabadh Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, ayadoo la hor geynayo Hay’adaha Cadaalladda ee xaqa u leh iney qaadaan dacwadaas, si bulshada Soomaaliyeed ugu waana qaataan inuusan baxsan dambiile xad gudbay.

“waxaan waalidiinta dhalay kuwa xad gudubka geystay, waalalahooda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee aqoonsaday wajiyadooda ugu baaqeynaa iney hay’adaha ammaanka ku gacan siiyaan sidii loosoo qaban lahaa islamarkaana cadaalladda loo horgeyn lahaa kuwa xad gudubka geystay, ayadoo aan idiin wada xasuusineyno kuwa gabadh Soomaaliyeed sidaa ugu xad gudbay ineysan xaq u laheyn inaad siisaan gabaad oo dembiga iyo dulmigaba bulshada Soomaaliyeed dhexdooda kusii faafaan” ayey tiri wasiir Al-Makhzoumi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.