Xasan Abgaal oo ah siyaasi mucaarad ah oo maanta Garoowe ka degay

Garoowe ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaa maanta halkaasi gaaray Siyaasi Xasan shire Abgaal oo ka mid ah mucaaradka hubaysan ee Puntland, kaasi oo maalmihii dambe ku sugnaa Muqdisho

Xasan Shire Abgaal, ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, waxaana la tiilmaamay in magaalada ay u soo galbiyeen gaadiid dagaal.

Dhinaca kale Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Taliska Qaybta 54-aad ee Puntland ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo gaaro magaalada Garoowe.

Xasan Shire, Asad Diyaano iyo Gen. Jimcaale ayaa dhawaan ka soo muuqday sawir hadal hayn badan dhaliyay, kaddib markii ay ka soo garab muuqdeen madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyaga oo ku sugan Villa Somalia.

Sidoo kale Gen. Asad Diyaano, Gen. Jimcaale iyo siyaasi Xasan Shire Abgaal, ayaa la sheegay in ay ka amar qaata ciidamo badan oo ku sugan deegaannada Puntland, kuwaas oo ka mushaar qaata dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.