Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal ku dilay xubno katirsan kooxda AS

Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxeysa howlgal ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Intii uu socday hawlgalka, ayaa la tilmaamay in lagu dilay 9 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayey, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey deegaanka ay ciidamada ka sameeyeen howlgalka.

Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan, isla markaana ciidamadu ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaalaysato kooxdu

Leave a Reply

Your email address will not be published.