Kambala ( Raxanreeb Online) Waxaa geeriyooday Raysul wasaare ku xigeenkii dalka Uganda, sidoo kalena ahaa xildhibaan, General Moses Ali.
General Moses Ali ayaa bishii Janaayo ee sanadkan mar kale dib loogu doortay kursigiisa xildhibaannimo, isagoo jiray 87 sano.
Xilligii ololaha iyo doorashada, xaaladdiisa caafimaad ayaa si weyn looga dareemayay. Wuxuu la tacaalayay dhibaatooyin dhanka hadalka iyo socodka ah, hase yeeshee taas kama hor istaagin inuu helo taageero ballaaran oo uu ku guuleysto cod aqlabiyad leh.
Geeridiisa ayaa soo afjartay muddo dheer oo uu ka soo shaqeynayay siyaasadda iyo hoggaanka dalka Uganda.

Leave a Reply