Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay weerar lagu qaaday Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kaasi oo hoggaaminayay sarkaal Israa’iil ah oo ay wehlinayaan kooxo xagjir ah iyo ciidamaa ammaanka Israa’iil.
“Falkaani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay karaamada iyo xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef ku ah dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee dunida ku nool” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay taageersan tahay shacab ah Falastiin iyo goobaha Barakeysan magaalada Qudus.
Waxa ay ugu baaqday beesha Calaamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah ee kicinta xambaarsan isla markaana la hubiyo isla xisaabtan ku aaddan cid kasta oo ku lug leh.
Sidoo kale Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn isla markaana ay u istaagaan wadahadal miro dhal ah oo lagu gaari karo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Leave a Reply