Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo isku sidkan, taas oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamulkaas.
Doorashadan ayaa looga dareeray 11 degmo oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo koonfurta Mudug, kuwaas oo kala ah Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel, Caabudwaaq, Balanbale, Hobyo, Xarardheere, Xeraale, Ceeldheer, Galcad iyo koonfurta Gaalkacyo.
In ka badan 200,000 oo qof ayaa isku diiwaangeliyay doorashadan oo lagu dooranayo 243 xubnood oo gole deegaan ah iyo 89 xubnood oo gole wakiillo ah, waxaana ku tartamaya dhowr urur oo ugu tunweyn yahay Xisbiga JSP.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulaysa doorashadan waxay madaxweynaha maamulka Galmudug u wadataa Liibaan Shuluq oo ka tartamaya ururka uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP.
Dowladda Federaalka waxay hore doorasho noocaan oo kale ah uga soo qabatay magaalada Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay dhaliileen mucaaradka islamarkaana ku tilmaameen doorashooyin aan daahfurnayn.

Leave a Reply