Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Dowladda Itoobiya ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo adkeysay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ay ka go’an tahay inay garab istaagto dadaallada Midowga Afrika ee lagula dagaallamayo kooxda Al-shabaab, isla markaana la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya sannadihii u dambeeyay.
Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay inay la shaqeyn doonto dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni ka dhalata Geeska Afrika.
Bayaankan ayaa yimid xilli ay jireen walaacyo ku saabsan mustaqbalka maalgelinta howlgalka AUSSOM, kaddib isbeddello ku yimid taageerada qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Howlgalka AUSSOM ayaa billowday 1-da Janaayo 2025, isagoo beddelay ATMIS, waxaana ujeeddadiisu tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya, sugidda amniga, iyo xoojinta awoodda dowladda si ay ula wareegto mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Leave a Reply