RW ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo sheegay inuu ka tanaasulay Baasaboorka Kenya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa sheegay inuu ka tanaasulay baasaboorkii Kenya, isaga oo tilmaamay in dedaalkaas uu yahay mid lagu xoojinayo hufnaanta iyo daaf-furnaanta laga filayo mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya.

Jibriil oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in go’aankiisa uu uga tanaasulay baasaboorka Kenya uu yahay mid uu ku muujinayo daacadnimadiisa iyo in sare loo qaado Baasabarooka Soomaaliya.

“Anigoo ilaalinaya mabaadi’da ugu sarreysa ee adeegga guud isla markaana doonaya in aan meesha ka saaro madmadow kasta oo la xiriira waajibaadkayga rasmiga ah, waxaan si iskaa ah ugu celiyey baasaboorkaas hay’adaha awoodda u leh ee Jamhuuriyadda Kenya” ayuu yiri RW ku-xigeenka labaad Jibriil Cabdirashiid.

“Tallabadan waxa ay ka tarjumeysa sida ay go’an tahay ilaalinta hufnaanta xilka aan hayo iyo daacadnimadeyda ku aadan Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya” ayuu yiri Jibriil.

Bishii Juun ee sannadkaan ayaa Jibriil Cabdirashiid, laga celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, kaddib markii dowladda Kenya ay ku eedeysay inuu si aan sharci ahayn ku helay baasaboorka dalkaas. Masuulkan ayaa markaas kaddib beeniyey eedeyntaasi, isaga oo ku adkaystay in baasaboorka loo siiyey si waafaqsan sharciga Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.