Wasiirka Israa’iil u qaabilsan Arrimaha Qurba-joogta, Amichai Chikli, ayaa sheegay in dalkiisa ay muhiim u tahay inuu sii adkeeyo xiriirrada uu la leeyahay Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta.
Chikli ayaa hadalkan jeediyay xilli Israa’iil ay si dhow ula socoto isbeddellada ku soo kordhaya iskaashiga siyaasadeed iyo kan amni ee Bariga Dhexe iyo guud ahaan gobolka.
Warbaahinta Clash Report ayaa sheegtay in wasiirku carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Israa’iil ay horumariso oo ay qoto-dheereyso xiriirka ay la leedahay afarta dhinac ee uu xusay, kuwaas oo uu u arko kuwo muhiim u ah danaha istiraatiijiga ah ee Israa’iil.
Geesta kale, Chikli wuxuu walaac ka muujiyay iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, kaas oo lagu tilmaamay Isbahaysiga Makka.
Wasiirku wuxuu arrintan ku tilmaamay isbeddel halis ah oo mudan in si gaar ah loo fiiriyo, wuxuuna xusay in Sacuudiga uu muddo dheer xiriir dhinaca difaaca ah la lahaa Pakistan, balse waxa uu tilmaamay inuu walaaca ugu weyn ka muujiyay suuragalnimada in Riyadh ay si weyn ugu dhowaato Ankara, taasina ay khatar ku tahay jiritaanka Israa’iil.
Sikastaba, hadalka kasoo yeeray wasiirka arrimaha Qurba-joogta Israa’iil, ayaa imaanaya iyada oo dhowaan magaalada Barakeysan ee Makka, ay heshiis difaac ee Makka, kaasi oo khatar ku tilmaameen wadamada gobolka.

Leave a Reply