Nairobi (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in ganacsiyada yaryar iyo kuwa tafaariiqda ee dalka loo xaddidayo muwaadiniinta Kenya, isagoo amar ku bixiyay in ganacsiyada noocaas ah ee ay leeyihiin ajaaniibta la xiro.
Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelan karta ajaaniib badan oo ku nool Kenya, gaar ahaan Soomaalida aan haysan dhalashada dalkaas ee ku shaqeysta ganacsiyada yaryar iyo tafaariiqda.
Go’aanka ayaa qeyb ka ah qorshe lagu doonayo in ganacsiyada yaryar fursad dheeraad ah loogu sameeyo muwaadiniinta Kenya, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo dowladda Kenya oo ku saabsan sida loo fulin doono amarka iyo ganacsiyada uu si gaar ah u saameynayo.

Leave a Reply