Aabe Soomaaliyeed oo wiilashiisa waxyeelo kasoo gaartay qarixii Liido oo lacag la guddoonsiyyay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddiga maaliyadda gurmadka Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA, ayaa deeq lacag dhan 20,000 oo dollar waxa ay ku wareejiyeen aabbe Maxamuud Cali Daboole oo saddex wiil uu dhalay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen weerarkii xeebta Liido ka dhacay.

Sidoo kale, Saddexda wiil oo ahaaa dhallinyaro aqoonyahanno ah mid kamid ah waxa uu ku geeriyooday weerarkaas kaas, halka labada kale oo lagu kala magacaabo Abdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali weerarkaas uu ka soo gaaray dhaawac aad u culus.

Dhanka kale, labadan wiil uu soo gaaray dhaawacyada culus ayaa wali ku jira isbitaal xaaladooda lagula tacaalayo, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda wiilashadan dhaawacyada culus qaba in loo qaado caafimaad dalka dibadiisa ah.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban culimo, ganacsato iyo haweenka Qaranka, waxaana ay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag.

Ugudambeyn, Weerarkii kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaa lagu laayay dad ka badan 40-qof shacab ah oo u badnaa dhallinyaro, waxaana weerarkan ku dhaawacmay dad ka badsan 200-qof oo qaarkood dhaawacyo culus soo gaareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.