Abiy Ahmed oo afgambi ka badbaaday & koox loo xiray falkaas.

Abiy Ahmed oo afgambi ka badbaaday & koox loo xiray falkaas.

Adis Ababa (Raxanreeb )- Wararka ka imaanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dowladda ay xabsiga dhigtay koox isku diyaarineysay inay afgambiyaan dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Illaa 50 qof ayaa la xiray, kadib markii looga shakiyay in ay wadeen qorshe ay ku “afgambinayaan” dowladda Abiy.

Shan kamid ah dadkaan waxaa lagu xiray caasimadda Adisa Ababa, kuwaasi oo si gaar ah loogu eedeeyay in ay isku dayeen qorshayaal lagu dilayo saraakiil, islamarkaana lagu afgambinayo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu hoggaamiyo.

Arrintaan ayaa waxaa shaac ka qaaday oo baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha itoobiya.

Ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka Ethiopia oo raggaan soo qabtay ayaa sheegay in ay huriyeen rabshado amni darro oo ka jira caasimadda Itoobiya.

Dalka Itoobiya waxaa ka jira  khilaafaadyo , qabaa’il kuwaas oo ragaadiyay hanaanka dowladnimada dalkaas waxaana meelaha qaar isku fara saaray ciidanka dowladaa iuo kooxaha kacdoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.