Jubbaland oo dil ku xukuntay Ugaas loo haysto la shaqaynta Al- Shabaab.

Jubbaland oo dil ku xukuntay Ugaas loo haysto la shaqaynta Al- Shabaab.

Kismaayo (Raxanreeb)- Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga garmaqalka wajiga labaad ee kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada  islamarkaana gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalmaya sanadkii 2021-ka.

Eedeysanahan ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay kooxda Khawaarijta waxa uuna u ahaa xubin muhiim ah sida ay u aaminsanaayeen iyagoo kolba xilal kala duwan u dhiibayay.

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedeha loo haysto Ugaas Aadan iyo cadaymo muujnaya sida uu muhiim ugu ahaa Argagixisada.

Gabogabdii Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay eedda loo haysto Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi kaas oo ugu dambayn lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.