Muqdisho (Raxanreeb online) – Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho isagoo ka soo duulay magaalada Nairobi.
Sidoo kale, William J.Burns ayaa kulan gaar gaar la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasimaha heyadda nabad sugida Somalia ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe.
Lama faahfaahin waxyaabaha ay ka wada hadleen William J. Burns iyo madaxda Soomaalida ee uu kula kulmay Muqdisho.
Dhanka kale, horaantii bishii Janaayo 2024 ayuu Muqdisho sidan oo kale u yimid William J. Burns, xilligaasoo uu la kulmay Madaxweynaha Somaia iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.
Booqashadii Jannaayo, waxaa xigtay in la soo saaray liis shaqsiyaad uu cunaqabateyn saaray Mareykanka, iyadoo booqashadan ay qeyb ka tahay socdaal ay waddamada gobolka ku marayaan labada nin ee u sarreeya sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska, iyadoo madaxa MI6, Richard Moore uu booqday toddobaadkii hore Addis Ababa iyo Nairobi.
Mareykanka ayaa waxaa Soomaalya ka jooga boqolaal askari oo ciidamada dowlada ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxda al shabaab oo Mareykanku uu ku daray liiska madow ee kooxaha argagaxisada, iyagoo ciidamada dowlada ka taageera dhinacyada howlgalada, tababarka iyo Saadka.
Leave a Reply