Ahmed Madoobe muxuu ka gali karaa khilaafka Xasan Sheekh iyo Saciid DENI ?

Ahmed Madoobe muxuu ka gali karaa khilaafka Xasan Sheekh iyo Saciid DENI ?

Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya   iyo madaxwaynaha Jubbaland ayaa ku kulmaya magaalada Kismaayo si ay uga hadlaan xaaladda dalka uu ku jiro iyo khilaafka soo kordhay.

Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaasi oo sugaya ammaanka, inta madaxwaynaha uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Madaxwaynaha  Soomaaliya ayaa  culays kala kulmay wax ka bedelka Dastuurka oo ay diideen dhamaan siyaasiinta Soomaaliyeed iyo saamilayda kuwaas oo sheegay in arrintan ay keeni karto caqabad .

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa raadinaya markan isbahaysi ka gacan siin kara sidii u hergali lahaa  wax -ka bedelka  Dastuurka KMG .

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa dhankiisa waxa uu khilaaf kala dhaxeeya Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi DENI oo in mudda ahba uu xumaa xiriirkooda.

Talaabooyinka Villa Soomaaliya oo aan la mahdin ayaa buuq badan waxa ay ku keentay hanaanka siyaasadeed ee dalka waxaana jira dhaliilo  badan oo loo jeedinayo habka loo marayo.

Lama oga  sida ay u dhaqan gali karaan qorshayaasha  madaxwaynaha Soomaaliya ee buuqa uu ka jiro oo ay ugu wayn tahay in meesha laga saaro awooda Ra’isulwasaaraha .

Leave a Reply

Your email address will not be published.