Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee maamulkaas waxaa ku soo badanaya ciidamada ka gadoodsan la’aanta mushaaraadkooda.
Maanta ciidamo waayay mushaarkooda in mudda ah ayaa gabi ahaan waxa ay xirteen waddooyin muhiim ah oo ka mid ka mid ah magaalada Garoowe sida ay sheegayaan goobjoogayaal halkaas ku sugan.
Ciidanka gadoodsan ayaa guud ahaan joojiyay isu socodka gaadiidka laamiga dheer waxaana halkaasi ku xanniban gaadiid badan oo u kala socday gobollada dalka.
Saraakiil ka tirsan ciidankan gadoodsan oo ka soo dagaallamay Laascaanood ayaa sheegay in aysan mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood islamarkaana dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda maqan.
Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa inay diideen gabi ahaanba in ay furaan waddooyinka inta ay ka helayaan xuquuqda ay leeyihiin oo bilooyin ah.
Maalmo ka hor sidan oo kale ciidamo gadoodsan ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Bosaaso inkastoo markii dambe dib loo furay hase wali lama siin lacagaha ciidanka.
Maamulka Puntland oo dhawaan ka soo baxay doorashada madaxtinimada ayaa hadda la daala dhacaya xalinta gadoodka mushaar la’aanta ee ay ciidamada samaynayaan.
Leave a Reply