Ahmiyadda maalinta raadiyaha aduunka ay leedahay.

Ahmiyadda maalinta raadiyaha aduunka ay leedahay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta dunida waxaa laga xusayaa maalinta raadiyaha adduunka, waana maalin sida ay sheegayso hay’adda Qaramada Midoobey ee tacliinta iyo hiddaha ee UNESCO, loo asteeyay in la maamuuso raadiyaha.

Ujeedada ayaa ah in la horumariyo xiriirada caalamiga ee u dhaxeeya shirkadaha warbaahineed isla markaana loo dhiirigeliyo in idaacado hor leh, gaar ahaanna ku bulshada u shaqeeya la helo si dadku ay u helaan macluumaadka ay u baahan yihiin, ayna u muujiyaan aragtidooda iyagoo idaacadaha sadeegsanaya.

Raadiyaha waa isha koobaad ee wararka, gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo bulshadeena oo lagu tiriyo bulsho maqalka ku tiirsan, waxaa dalka ka jira FM-yo dadka si aad ah u dhageystaan.

Weriyeyaasha Soomaalida waxaa heysta dhibaato amni, waxaa ay ku shaqeeyaan xaalad amni darro, taasi oo ka hor istaagta in ay xog helaan, iyo xitaa in ay ku dhiiradaan kashifaadda musuqa iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira .

Shurki Caabi  oo ka howlgasha Radio-yaha Risaalle  ee magaalada Muqdisho waxa ay  ka sheekaynaysa caqabadaha sida joogta ah ula kulanto.

Amniga waa  halista ugu wayn  ee ku gadeeman  saxaafada Soomaaliyeed , ee ku shaqaynaya dal ka soo kabanaya colaad sokeeyo , kuwa badan ayaa naftooda ku waayay  kuwa waa ay ka dhaawacmeen  halka   ay jiraan suxufiyiin dalka isaga cararay.

Radio-yaha waa  aalada ugu muhiimsan ee war isgaariinta ee Soomaaliya , cilmi baaris la sameeyay 2013-kii   ayaa miuujinaysa 65.6. boqolkiiba Soomaalida in maalintii hal mar wararka ay dhagaystaan.

83.9  Boqolkiiba Soomaalida  waxa ay warka ka helaan Radio-yahaha 10 Qof oo Soomaali ah 8 ka mid ah waxaa guriga  u yaala Radio oo ay dhagaystaaan.

Soomaaliya waxaa uu raadiyaha soo gaaray 1943-dii, xilligaas oo markii ugu horeysay la maqlay radio Hargeisa, radio Muqdishu ayaa xigay 1951-dii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.