Dhul Dowladdu ay sheegtay in laga guuro oo dab  uu qabsaday.

Dhul Dowladdu ay sheegtay in laga guuro oo dab  uu qabsaday.

Muqdisho (Raxanreeb ) Xilli saq dheexe ah waxaa dab uu ka kacay goobo  ganacsi oo ku teedsan dhul  u dhaw xarunta dam damiska ee magaalada Muqdisho.

Halka uu dabka uu  qabsaday ayaa ah dhul in mudda ah Dowladda Soomaaliya ay ku celcelinaysay in dadku ay baneeyaan taas oo  ay ka dhalatay  godood ay sameeyeen dadka shacabka ah.

Saacado badan oo  dabka  holcayay ayaa keentay inuu ku faafo goobo dhawr ah oo u badan ganacsi halkaas oo hanti badan ay ku baa’baday sida ay sheegeen ganacsatada halkaas ku sugan.

Dad halkaas ku  sugan ayaa sheegay in mudda ay qayla dhaan ay wadaeen hase ahaatee uu gurmadka ka soo daahay taasna ay sii xoojisay inuu dabka sii faafo oo uu gaaro meelo badan.

Ilaa iyo hadda rasmi ah looga khasaaraha dabkan uu ka dhashay , waxaana  khasaaraha ugu xoogaan uu soo gaaray  ganacsatada halkaas ku ganacsanaysay.

Magaalada Muqdisho , dhawr jeer ayaa sidan oo kale uu ka kacay dab fara badan kaas oo  gaystay khasaare hantiyadeed oo aad  u xoogan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.