Al-Shabaab oo u hanjabtay Madaxweyne William Ruto

Al-Shabaab oo u hanjabtay Madaxweyne William Ruto

Muqdisho (Raxanreeb) Ururka Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarrada ay ka gaysanayaan gudaha Kenya haddii madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto uu go’aansado inuu ciidamadiisa kusii hayo gudaha Soomaaliya.

Hanjabaaddan ayaa Al-Shabaab ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen oo ay daabaceen warbaahinta taageerta ururkaas.

Dawladda Kenya iyo madaxwyenaha la doortay ayaan midkoodna weli ka jawaabin hanjabaadda Al-Shabaab.

Kenya ayaa ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii 2011, kadib markiia Al-Shabaab ay weerarro ka gaysteen gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo gobolka xeebta, weerarradaasi oo lagu afduubay dad ajaanib ah.

Hawlgalkaas ayaa Kenya ugu magacdartay ilaalinta waddanka.Kenya ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamo kumannaan ah, kuwaasi oo sannadkii 2012-ka rasmi ahaan uga mid noqday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo haatanna loo yaqaan ATMIS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.