Alshabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday kuqaaday saldhig ciidanka Jubbaland ku leeyihiin Janaay Cabdalle.

Janaay Cabdalle (Raxanreeb online) – Dagaalyahano katirsan kooxda Alshabaab ayaa saakay weerar xooggan ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, saldhigyada la weeraray ayaana ku yaalla deegaanka Jannaay Cabdalle ee dhaca duleedka Kismaayo.

Sidoo kale, Weerarka Alshabaab ayaana la sheegay in uu ku bilowday qaraxyo, waxaana qaraxyada kaddib kooxda Alshabaab iyo ciidamada huwanta ah halkaasi ku dhax maray dagaal xooggan oo labada dhinacba ay jilbaha isku aasteen.

Dhanka kale, Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland , ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii Alshababa kusoo qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle, waxa ayna sheegeen in halkaasi ku dileen xubno badan oo katirsanaa Alshabaab.

Kooxda Alshabaab ayaa dhankooda guulo waa weyn ka sheegatay weerarka saakay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle, mana jiro ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Janaay Cabdalle iyo cida ku gacan sareysay.

Sikastaba, Alshabaab ayaana marar badan weeraro ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaalla gobolka Jubadda Hoose, waxaana weeraradii ugu dambeeyay Al Shabaab kala kulmeen jab xooggan, iyadoo laga dilay dagaalyahanno aad u tiro badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.