Askari katirsan ciidan Isra’iil oo xariga ka badbaaday xili uu kujiray dalxiis

Gaza (Raxanreeb online) – Nin askari ah oo katirsanaa ciidamada Yahuuda Israa’iil ee xasuuqa baahsan ka wada magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin , ayaa si dirqi ah uga badbaaday in la xiro, xilli uu ku sugnaa dalka Brazil uu u aaday dalxiis iyo tamashleyn.

Sidoo kale, Askarigan ayaa la ogaaday in uu qeyb ka ahaa dagaalka Gaza, waxaana durba maxkamad ku taalla Brazil soo saartay amar lagu xirayo, si baaritaan loogu sameeyo xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo uu ku kacay inta uu ku sugnaa magaalada Qasa.

Dhanka kale, Booliiska dalka Brazil ayaa intii ay ku guda jireen booliiska il baaritaanka kiiska askarigan, waxaa  la sheegay in uu helay xogta ah askariga in la xariyao, waxa uuna si deg deg ah  ugu baxsaday Brazil, isaga oo maanta gaari doono magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil.

Maamulka Israa’iil, ayaa si weyn uga carooday qorshahan la doonayay in lagu xiro askariga katirsanaa ciidankooda, waxa ayna Israa’iil ku eedeeyeen Brazil in ay ku kacday naceyb iyo xadgudub, waxa ayna ka digeen falalka nuucaan oo kale ah oo lagu beegsanayo askarta Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil iyo madaxdooda ayaa xasuuq xun ka geestay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna halkaasi muddo sannad iyo bilooyin ah ku xasuuqeen dad ka badan 40-kun oo qof oo u badnaa shacab, gaar ahaan haween iyo carruur.

Leave a Reply

Your email address will not be published.