Garoowe (Raxanreeb ) Taliyaha ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlayay dagaalka Garoowe, ayaa sheegaya in ciidankooda aysan weerar cidna ku qaadin, balse lagu soo weeraray xarumaha dawladda, gaar ahaana baarlamaanka oo uu sheegay in duulaan lagu qaaday, iyaguna ay difaaceen oo ay waajibkooda ahayd. Muumin, ayaa sheegay in ay talaabo kasta oo xal nabad-raadin ah...
Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)
Al- Shababaab miyaa dib ula wareegay deegaanadii laga saaray ee Hiiraan
Beledwayne (Raxanreeb ) Khilaafka ka dhax jira maamulka Hirshabeelle wali wax xal ah lagama gaarin waxaana taagan muranka siyaasadeed eek a taagan Hirshabeelle. Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa sheegay in hadda ay muuqanayso in dib Al- Shabaab isku soo abaabuleen isla markaana ay la wareegeen deegaano markii hore laga saaray....
GAROOWE : Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay wax ka beddalka Dastuurka
Garoowe (Raxanreeb ) Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa ansixiyeen maanta furusta iyo wax ka bedelka lagu sameenayo dastuurka maamulkaas. 34 Xildhibaan ayaa oggalaatay , hal mudane ayaa diidday, ma jirto cid ka aamustay, sidaa ayaana la sheegay inuu ansax ku noqday soo jeedinta in wax laga beddelo Dastuurka. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane...
TOOS : Dagaal ka socda magaalada Garoowe- PUNTLAND
Garoowe (Raxanreeb ) Dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa mucaaradka ee diidan furista dastuurka ayaa ka socda magaalada Garoowe dhawaqa rasaas culus ee labada dhinac ay is weydaarsanayaan, ayaa laga maqalayaa gudaha magaalada taas oo cabs galisay dadka magaalada Dagaalka ayaa kusoo aaday kadib markii Xildhibaanadda baarlamaanka ay ogolaadeen in laga doodo furista dastuurka.
DEG DEG : Al- Shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Bardaale , ee Baay
Bardaalle (Raxanreeb ) kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay ku leeyihiin degmada Bardaalle Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ky geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka Al- Shabaab maanta ay ku qaadeen degmada Bardaalle ee gobolka Baay. Muddo saacado ah...
Ciidamo ka soo horjeeda DENI oo xirtay waddooyin magaalada Garoowe
Garoowe (Raxanreeb ) Magaaalada Garoowe waxaa xarumo ciidan ka samaysatay , ciidamo ka soo horjeeda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kuwaas oo xirtay waddooyin muhiiim ah. Wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagaan tahay xiisadda ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka maamul goboleedka Puntland. Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka...
Axmed Madoobe ”Diyaar ayaa u ahay wada- hadal aan la galo GEDO ”
Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada- hadal uu la furo dadka degan gobolka Gedo oo aad u diidan maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiin dano gaar ah ka leh gobolka Gedo kuwaas oo aan waxba u qaban dadka ku nool degmooyinka gobolka...
IGAD ”Dalalka geeska Afrika waxaa ku soo wajan cuni yari ”
Adis Ababa (Raxanreeb ) Dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyey xaaladda nololeed ee in ka badan 55 milyan oo qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika. Dadkaan ayaa la sheegay in dhibaatada ugu daran ay waajahayaan ay tahya xaalado cunto la’aaneed,...
Goobo ganacsi oo Bosaaso ah oo Daacish ay xirtay
Boosaaso (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas albaabada loo laabay goobo ganacsi sabab la xiriira hanjabaad uga timid kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen ganacsato halkaas ku sugan in kooxda Daacish ay ka dalbadeen ganacsatada in ay bixiyaan lacag , ay ku sheegaan kooxda mid lagu...
Xiisad ka taagan magaalada Garoowe & DENI oo lagu eedaynayo xiisada jirta
Garoowe (Raxanreeb ) Ciidamo –fara badan oo ka gadoodsan wax ka bedelka Dastuurka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah xirtay waddooyin muhiim ah oo ka mid ah magaalada Garoowe Ciidamada mucaaradka oo markii hore ku sugnaa bannaanka magaalada, ayaa lagu waabariistay iyagoo gudaha usoo galay qeybo kamid ah magaalada, islamarkaana jidgooyo dhigtay qaar kamid ah...









