DEG DEG : Al- Shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Bardaale , ee Baay

DEG DEG : Al- Shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Bardaale , ee Baay

Bardaalle (Raxanreeb )  kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay ku leeyihiin degmada Bardaalle

Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ky geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka Al- Shabaab maanta ay ku qaadeen degmada Bardaalle ee gobolka Baay.

Muddo saacado ah ayaa la sheegay in kooxda Al- Shabaab ay maamuliyaan degmada Bardaalle ka dib markii ay riixeen ciidanka ku sugnaa degmada.

Saacado oo halkaas kooxda Al- Shabaab ay ku sugnayeen waxaa lagu soo waramaayaa in markii dambe kooxda ay isaga baxeen halkaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.