Garoowe (Raxanreeb ) Taliyaha ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlayay dagaalka Garoowe, ayaa sheegaya in ciidankooda aysan weerar cidna ku qaadin, balse lagu soo weeraray xarumaha dawladda, gaar ahaana baarlamaanka oo uu sheegay in duulaan lagu qaaday, iyaguna ay difaaceen oo ay waajibkooda ahayd.
Muumin, ayaa sheegay in ay talaabo kasta oo xal nabad-raadin ah sameeyeen muddooyinkii lasoo dhaafay, balse ay kasocon waayeen dhinaca kasoo horjeeda oo uu ku eedeeey in ay Amniga iyo horumarka Puntland kasoo horjeedaan, iskuguna aruuriyeen magaalada banaankeeda, waa sida uu yiri.
Taliyaha Booliska, ayaa sheegay in ay hadda xaaladu degan tahay, dadkana in ay si dajiyaan ayuu ugu baaqay, ma sheegin khasaaraha dhankooda ama dhinaca kale soo gaaray.
Dhanka kale Cabdifataax Xasan Rooti oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah Madaxwayne Saciid deni ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Garoowe
Leave a Reply