Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada- hadal uu la furo dadka degan gobolka Gedo oo aad u diidan maamulkiisa.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiin dano gaar ah ka leh gobolka Gedo kuwaas oo aan waxba u qaban dadka ku nool degmooyinka gobolka Gedo.
Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaadato dadaalada la iskugu keenayo Kismaayo iyo Garbahaaray oo muddo seddax sanna ah kala go’an.
“Waxaan Gedo u diri doonaa wafdi ay ku jirto dowladda federaalka, si loo xaliyio tabashada dadka reer Gedo, arrinta gobolka Gedo waxay u baahan tahay masuuliyad dowladnimo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxwaynaha Jubbaland , Axmed Madoobe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wado hadlo waxkasta oo keeni kara isku soo dhawaansho labada dhina ah ee Kismaayo iyo Garbahaaray.
Siyaasiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin , in wada- hadal lala galo maamulka Axmed Madoobe ilaa doorasho la isla ogol yahay la qabto isla markaana xafiiska uu baneeyo Axmed Madoobe.
Seddax sano ka hor, xukuumadii Farmaajo ayaa Gedo ka faro-maroojisay maamulka Jubbaland, waxaana iyadoo hal sano uu Farmaajo ka sii maqan yahay xukunka xal loo weysan yahay khilaafka maamul ee ka jira gobolkaas.
Leave a Reply