Marooko waa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah iyo weliba Carab ah oo inta badan dadkiisa ay Muslimiin yihiin ee soo gaara nus dhammaadka Koobka Adduunka.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo maamulka gobolka Banaadir kala shiray amniga Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim oo ku saabsan sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale).
Dowladda Qatar oo ballan qaaday inay xoojineyso xiriirka Soomaaliya
Munaasabad lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” oo ka dhacday Magaalada Muqdisho kana qaybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & madax kale oo dalkaas ka socotay ayaa lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa & Muqdisho.
Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milltari u fidiyaan Ukraine
Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga.
Iran oo xukun deldelaad ah ku fulisay qofkii labaad oo ka mid ahaa dibad-baxayaasha
Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda.
Mareykanka oo $55 bilyan siinaya Afrika
Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan illaa 55 bilyan oo dollar ay ugu yabooheyso Qaaradda Afrika saddexda sano ee soo socoto, taas oo uu Mareykanku sheegay inuu ku xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika.
Ganacsade dil loogu geystay Galgaduud oo loo saleynayo aano qabiil
Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in malleeshiyo hubeysan ay Bartmaah degmadaasi ku dileen Nin Ganacsade caan ka ahaa, iyagoo oo dilka kaddib goobta is kaga baxsaday.
Dood ka taagan doorashada hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta
Muran iyo dood ayaa ka taagan doorashada hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo la filayo inay qabsoonto 28 bishan December. Guddiga Doorashada ee xiriirka ayaa sheegay in hal murashax oo kaliya oo ah kan hadda sida kumeel gaarka ah madaxda uga ah xiriirka kubadda cagta uu soo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa, isaga oo kaliyana uu u tartami doono gudoomiyaha xiriirka.
Askarigii loo heystay dilka Juweyriya Subcis oo dil toogasho ah lagu xukumay
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.
Maxay tahay digniinta culus ee uu soo saaray maamulka Gedo
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyay inaanay gobolkaasi keeni karin dadka aan laga rabin, sida uu yiri.



